Raila oo ku baaqay in la ixtiraamo Uhuru

0
240

Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa ku baaqay in la ixtiraamo madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta.
Waxaa uu cambaareeyay falal uu sheegay in dhawaan lagu weeraray madaxweynihii hore iyo hantidiisa.
Odinga ayaa carrabka ku adkeeyay in Uhuru uu mudan yahay in la qadariyo maadaama uu dalka soo hoggaamiyey.
Arrintan ayuu ka sheegay kulan ay shalay yeesheen ergada qaran ee xisbiga Jubilee .