Guddiga qaran ee loo xilsaaray la tacaalidda cudurka COVID-19 ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in ay suurtagal tahay in dad badan oo aan muujin astaamaha lagu garto xanuunka ay gudbin karaan fayraska corona.
Siyaabaha ay cudurkan ku gudbin karaan ayuu guddigu sheegay in ay ka mid tahay qufaca iyo hindisada.
Dadweynaha ayuu guddigan ku boorriyay in ay mar kasta sida habboon u xirnaadaan afduubka.
Kenyaanka ayaa lagula taliyay inay xaqiijiyaan in afkooda iyo sankooda ay ku daboolaan maaskarada.