Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa dib ka saxay hadal uu horay u jeediyay oo ahaa in Ruushka ay la wareegeen magaalada Bakhmut ee wadankaasi oo ay burburiyeen kaabayaasha horumarineed.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ciidamada Ruushka ay ku sugan yihiin gudaha magaaladaasi balse aynan weli qabsan.
Hadalkan ayuu Zelenskyy shalay ka sheegay magaalada Hiroshima ee dalka Japan halkaasi oo saddexdii cishe ee la soo dhaafay uu shir uga socday madaxda dalladda toddobada waddan ee caalamka ugu horreeya dhinaca dhaqaalaha ee G7.