Wasiirka arrimaha gudaha oo shacabka ugu baaqay in ay dowladda garab ku siiyaan la tacaalidda COVID-19

0
401

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr. Fred Matiang’i ayaa dadweynaha ku boorriyay in ay dowladda dhexe iyo ismaamullada kala shaqeyaan sidii looga guulaysan lahaa cudurka COVID-19.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in cid kasta oo mas’uuliyad shakhsiyadeed iska saarto badbaadinta nolosheeda ay kaalin weyn ka qaadanayso in dowladdu ay ku guulaysato dadaallada ay wado.
Wasiirka ayaa ciidamada ammaanka ee dhaqangelinaya amarrada dowladda sida bandowga habeenkii kula taliyay in ay shacabka ula dhaqmaan si ay baniaadanimo ku dheehan tahay.
Dr. Matiang’i ayaa ku celceliyay in amarrada la soo saaray aan looga gol-lahayn in Kenyaanka nolosha ciriiri looga dhigo.
Muwaadin kasta ayuu u soo jeediyay inuu si joogto ah u isticmaalo afduubka , inuu ku dadaalo nadaafadda , kala fogaanshaha sidoo kalena uunan qofku tagin goobaha ay dadku ku badan yihiin.