Ra’iisul Wasaaraha dalka Japan Fumio Kishida ayaa cambaareeyay duullaanka militari ee uu Ruushku in ka badan hal sano ka wado gudaha Ukraine.
Waxaa uu garab istaag hagar la’aan ah u ballanqaaday dowladda Ukraine.
Fumio Kishida ayaa sheegay in howlgallada militari ee Moscow ay meel ka dhac ku yihiin aasaaska nidaamka caalamiga ee wax lagu maamulo.
Waxaa uu Kishida sheegay in aanan marnaba la aqbali karin awoodda uu adeegsanaya Ruushka.
Arrintan ayuu sheegay xilli uu khudbad ka jeedinayay shirka ay madaxda dalladda toddobada waddan ee caalamka ugu horreeya dhinaca dhaqaale ee G7 ay ku yeelanayaan magaalada Hiroshima ee wadanka Japan.
Kulankan oo soo billowday 19-kii bishan ayaa maanta halkaasi lagu soo gabagabeynaya.