DHAGEYSO:Juja: 8 qof oo looga shakisan yahay daacuunka oo isbitaal la dhigay

0
302

Waxaa isbitaalka heerka shanaad ee Gatundu ee ismaamulka Kiambu la geeyay 8 qof oo ka mid ah shacabka deegaan baarlamaneedka Juja.
Tani ayaa timid ka dib markii dadkan lagu arkay astaamo la xiriira cudurka daacuunka.
Saraakiisha caafimaadka ayaa laga soo xigtay in dadka deggan tuulo yar oo ku taalla deegaan baarlamaaneedka Juja ay cudurka qaadeen ka dib markii ay cabeen biyo wasakhaysan.
Biyaha ayaa la sheegay in ay ku wasakhoobeen mashruuc la doonayo in lagu ballaariyo qadadka bullaacadaha ee deegaanka.
Lucy Mumbi, oo ah sarkaalka caafimaadka dadweynaha ee deegaanka Juja ayaa sheegtay in bukaannada badankood ay ka cowdeen calool xanuun.
Waxaa ay ku baaqday in nadaafadda lagu dadaalo.

Sidoo kale mid ka mid ah dadka xanuunka looga shakisay ayaa ka warrantay xaaladdeeda caafimaad.