Xildhibaankii hore ee bartamaha Mandera oo ku biiray mushariixiinta xilka guddoomiyaha Nairobi

0
532

Mudanihii hore ee deegaanka bartamaha Mandera Cabdiqaadir Maxamad sidoo kalena soo noqday la taliyihii dhanka sharciga ee madaxweynaha dalka ayaa sheegay inuu u tartami doono xilka guddoomiyaha ee caasimadda dalka.
Waxaa uu ku biiray siyaasiyiin tartan ugu jiro inay buuxiyaan xilkii uu baneeyay Mike Sonko oo ay wakiillada golaha hoose xafiiska ka saareen sidoo kalena go’aankaasi uu ayiday aqalka sare.
Cabdiqaadir ayaa sheegay in shacabka ku nool Nairobi oo isugu jiro maalqabeen iyo sabool ay u baahan yihiin hoggaan wanaagsan sidaas awgeedna uu rajeynaya in codbixiyayaasha ay codkooda ku taageeri doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here