Guddi uu aqalka sare ee dalka u xil saaray inuu baaritaano dabagal ah ku sameeyo meydadka laga helay kaynta Shakahola ee ismaamulka Kilifi ayaa ku taliyey in halkaasi la geeyo howlwadeenno dheeraad ah oo ka qayb qaadan karo samatabixinta.
Guddigan oo uu hoggaaminaya senatarka ismaamulka Tana River Danson Mungatana ayaa dhacdooyinka laga soo tabiyay Shakahola ku tilmaamay kuwo argagax leh oo lala barbardhigi karo xasuuq shacab.
Mungatana ayaa intaasi ku daray inay doonayaan inay booqdaan waddamo la sheegay inay ku yaallaan laamaha kaniisadda Good News International ee baadariga lagu magacaabo Paul Mackenzie .
Guddigan ayaa kenyaanka ka codsaday inay la wadaagaan macluumaadka fududeyn karo in la fahmo dhibaatada ka dhacday Kilifi.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo xabaal wadareedyada lagu arkay keyntaasi laga soo saaray ugu yaraan 235 meydad ah.




