Qorshaha miisaaniyadda sanadkan oo baarlamaanka loo gudbinaya 15-ka June

0
235

Wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaale ayaa shaacisay in qorshaha sanad maaliyadeedkan 2023/2024-ka baarlamaanka la hor geyn doono 15-ka bisha Lixaad ee sanadkan.
Waxaa miisaaniyadda dowladda golaha xeer dejinta u bandhigi doono wasiirka maaliyadda ee dalka Prof. Njuguna Ndung’u .
Waxaa uu wasiirka halkaasi tagi doonaa abaare 3-da galabnimo ee bartamaha bisha soo socoto.
Maamulka madaxweyne William Ruto ayaa soo jeediyay in sanadkan uu adeegsado lacag dhan 3.6 Triliyoon oo shilin.
Miisaaniyad sanadeedkii hore ayaa ahaa 3.39 Triliyoon oo shilin waxaana sida uu qorshuhu yahay qarashaadka dhaqaale ee dowladda ku kordhaya 251 bilyan oo shilin.