Guddoomiyaha ismaamulka Machakos Dr. Alfred Mutua ayaa soo saaray tallaabooyin dhowr ah oo uu doonaya in uu culeyska dhaqaale kaga fududeeyo dadweynaha ku nool dowlad deegaankaas.
Tani ayaa timid ka dib markii madaxweynaha wadanka Uhuru Kenyatta uu Jimcihii shaaciyay in 5 ismaamul oo ay Machakos ay ka mid tahay aan la gelin karin sidoo kalena laga bixi karin.
Arrinkan ayaa lagu saleeyay in ay kordheen xaaladaha caabuqa corona ee sida maalinlaha ah looga diiwaangeliyo dowlad deegaannada xayiraadda la saaray ee kala ah Nairobi, Machakos, Kiambu, Kajiado iyo Nakuru .
Dr. Alfred Mutua ayaa xusay in cudurka COVID-19 ay ka dhalatay saameyn dhaqaale oo ballaraan taasoo dhinacyo badan ah.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayuu ku ammaanay in uu horay u qaaday tallaabooyin dadweynaha looga qafiifinaya culeysyada nololeed ee jira.
Hasa ahaate waxaa uu carrabka ku adkeeyay in mas’uuliyiinta dowlad deegaannada laga doonayo in ay ku daydaan madaxweynaha oo ay xal u raadiyaan caqabadaha dhanka nolosha ee hadda taagan
Tallaabooyinka uu qaaday guddoomiyaha Machakos waxaa ka mid ah in ganacsatada yaryar aan wax canshuur ah laga qaadi doonin sanadkan gudihiisa.