Wasiirka maaliyadda oo ka soo hormuuqday aqalka sare

0
211

Wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta qaranka Prof. Njuguna Ndung’u ayaa hor tagay guddiga maaliyadda ee aqalka sare.
Xubnaha guddigan oo uu hoggaamiyo senatarka ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Roba ayaa wasiirka waydiiyay su’aallo ku saabsan dib u dhaca ku yimid bixinta lacagaha sanadlaha ah ee ay dowladda dhexe siiso ismaamullada.
Golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada dowlad deegaannada ee COG ayaa horay cabasho uga muujiyay dhaqaale yari ay wajahayaan oo saameyn wayn ku yeelatay adeegyada loo fidiyo shacabka.
Wasiirka maaliyadda ayaa sheegay in dowladda ay wajahayso culeys dhaqaale balse ay ku dadaalaysa in ismaamullada lagu wareejiyo lacagaha weli ka maqan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here