Tirada meydadka laga soo saaray Shakahola oo gaartay 211

0
228

Waxaa sare u sii kacday tirada meydadka laga soo saaray xabaal wadareedyada keynta Shakahola ee ismaamulka Kilifi ee gobolka Xeebta.
Saraakiisha baaritaannada sameynaya ayaa ilaa iyo hadda helay 211 oo meydad ah.
Sidoo kale waxaa gacanta lagu dhigay saddex qof oo dheeraad ah oo la rumeysan yahay inay la shaqeynayeen baadariga kaniisadda Good News International Paul Mackenzie oo lala xiriirinaya dhibaatooyinka halkaasi ka dhacay.
Isku duwaha ammaanka ee gobolka Xeebta Rhoda Onyancha ayaa warbaahinta u sheegtay in saddex qof oo rag ah laga soo badbaadiyay gudaha keynta iyadoo ay xaaladooda caafimaad liidato.
Tani ayaa tirada guud ee shakhsiyaadka ilaa iyo hadda laga soo samatabixiyay Shakahola ka dhigaysa 84 qof.
Sidoo kale waxaa weli la la’yahay 620 qof oo dheeraad ah.