Wasiirka iskaashatada oo sheegay inay wajahayaan dhaqaale yari

0
232

Wasiirka wasaaradda horumarinta iskaashatooyinka , ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah ee dalka Simon Chelugui ayaa sheegay in wasaaradda uu hoggaamiyo ay wajahaysa caqabad dhaqaale.
Waxaa uu walaac ka muujiyay qorshaha miisaaniyadeed ee sanad maaliyadeedka 2023-2024-ka.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu ka soo hormuuqday guddiga baarlamaanka u qaabilsan ganacsiga iyo iskaashatooyinka.
Mr. Chelugui ayaa xusay in kastoo ay u baahan yihiin miisaaniyad dheeraad oo dhan 49 bilyan oo shilin haddana wasaaradda maaliyadda inay soo jeedisay in loo qoondeeyo 15 bilyan. .
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay taageero dheeraad oo miisaaniyadeed si loo kobciyo ganacsiyada yaryar.
Hasa ahaate guddiga arrimaha ganacsiga ee baarlamaanka ayaa doonaya in dowladda dhexe ay is waafajiso barnaamijyadeed si loo yareeyo qarashaadka howlahan ku baxaya.
Dhanka kale wasiiradda wasaaradda biyaha iyo waraabinta beeraha , Alice Wahome ayaa baarlamaanka waydiisatay inuu lacago dheeraad ah u qoondeeyo wasaaradda si loo dhameystiro mashaariicda.
Waxay sheegtay inay u baahan yihiin 100 milyan oo shilin oo dheeraad ah si dib loogu billaabo mashaariicda dhisidda biyo xireennada Koru-Soin iyo Umma ee ismaamullada Kisumu iyo Kitui oo uu hakad ku yimid.