Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Xilliga midabeynta Bajaajleyda Muqdisho oo muddada loo kordhiyay

DHAGEYSO:Xilliga midabeynta Bajaajleyda Muqdisho oo muddada loo kordhiyay

Ka dib markii maamulka gobolka Banaadir u kalhore ku dhawaaqay in wixii ka dambeeya 15-ka bishan oo shalay ku beegnayd aan magaalada Muqdisho laga ogolaan doonin mooto Bajaaj aysan ku midabaysnayn A iyo B, ayuu markale maamulka amarkaasi wuxuu ku sameeyay wax ka beddel.
Wareegto xalay ay soo saareen mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir oo uu warbaahinta u aqriyay Afhayeenka maamulka gobolkan, ayuu ku sheegay in muddada ay mootooyinka ku soo midabaynayaan oo ay ku soo nidaaminayaan mulkiileyaasha loogu diray 9 cisho oo saaka ka billaabatay.
Waxaa uu digniin u diray cidkasta oo aan amarkan u hoggaamsamin, isagoo sheegay in tallaabo adag oo dhanka sharciga ah laga qaadi doono.
Sidoo kale afhaeyeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa mulkiileyaasha mootooyinka  kaga digay inay qaab suuq madow ah ku soo midabaystaan mootooyinkooda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments