6 Boolis ah oo lagu dhaawacay ismaamulka Bomet

0
163

Wararka ka imaanaya dowlad deegaanka Bomet ayaa sheegaya inay dhaawacyo soo gaareen ilaa 6 ka mid ah ciidamada booliska dalka ka dib weerar ay ku qaadeen koox ka mid ah dadka ka shaqeeya caleenta shaaha.
Askarta la dhaawacay ayaa ka howlgalo saldhigga booliska ee deegaanka Konoin ee ismaamulka Bomet dhacdadaan ayaana la sheegay inay dhacday fiidnimadii Axadda.
Sida uu sheegay taliyaha ciidanka booliska ee ismaamulka Bomet, Mathews Mangira, laba ka mid ah askarta dhaawacantay ayaa xaaladdoodu aad u liidata waxaana jirkooda ku yaalla dhaawacyo badan.
Intii uu weerarku socday sarkaal kale oo isku dayay inuu dib ugu laabto saldhigga ayay wararku sheegayaan inuu ku lumay wabiga Itare.
Mangira ayaa sheegay in saraakiishu ay ku guda jireen roondooyinkoodii caadiga ahaa ee goobta caleenta shaaha laga soo saaro ka hor inta aysan la kulmin in ka badan 100 dhallinyaro ah oo hubeysan.
Waxay damceen inay u gudbaan beer caleenta shaaha laga soo saaro oo gaar loo leeyahay waxaana xigay dhacdadaan.
Taliyaha ayaa intaasi ku daray in saraakiisha ay iska caabiyeen dhallinyaradii dhagaxaanta ku soo tuuray ee ka awood roonaaday ka hor inta aysan dab qabadsiin gaarigii ay wateen.
Koox ka mid ah saraakiisha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa loo diray aagaasi si gacanta loogu soo dhigo kooxda la tuhunsan yahay sidoo kalena la sameeyo baaritaano badan oo arrintaan ku saabsan.
Gaariga ay wateen askarta la weeraray oo burburay ayaa loo jiiday saldhigga booliska ee Mara Mara.