Baadari ay dacwad ku socoto oo xannibaad si saarnaan doonto akoonnadiisa bangiyadeed

0
279

Maxkamadda ismaamulka Mombasa ayaa ayidday go’aankii maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi, kaas oo ahaa xannibaadda la saaray 15 akoonno bangiyadeed oo uu leeyahay Ezekiel Odero oo ah baadariga hoggaamiya kaniisadda New Life Prayer Centre ee ismaamulka Kilifi.
Maxkamadda ayaa sheegtay in in ka badan 15 akoonno bangiyadeed iyo taleefishin uu leeyahay baadarigan ay xayiradda sii saarnaan doonta, ilaa inta laga soo gabagabeynayo baaritaan ku saabsan kiisaska uu wajahaya baadarigan.
Qareenada matalaya Ezekiel Odero ayaa loo soo jeediyay in cabashadooda ku saabsan go’aankan ay u gudbiyaan maxkamadda sare ee Milimani ee magaalada Nairobi.
Hasa ahaate garsooraha sare ee maxkamadda Mombasa Olga Sewe ayaa sheegtay in kaniisadda New Life Prayer Centre and Church ee ismaamulka Kilifi ay sii wadi karto howlaheeda cibaadada.
Labo toddobaad ka hor ayay ahayd markii Ezekiel Odero uu tagay maxkamadda sare ee dalka laanteeda ismaamulka Mombasa isagoo doonaya in dowladda laga hor istaago inay xannibto hantidiisa.