Isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ayaa shir jaraaid oo uu qabtay waxaa uu uga soo horjeestay hindise sharciyeedka maaliyadda ee Finance Bill 2023 ee ay soo saartay wasaaradda maaliyadda.
Bayaanka mucaaradka waxaa ku cad in meel marinta hindise sharciyeedkan ay ciqaab ku tahay dadweynaha sidaasi awgeedna la doonaya inay walaac xooggan ka muujiyaan.
Mucaaradka ayaa arrin la yaab leh ku tilmaamay in xilligan adag hindise sharciyeedka lagu soo jeediyo tallaabooyin la doonaya in lagu kordhiyo canshuurta ay dowladda uruuriso.
Azimio ayaa maamulka madaxweyne William Ruto ku dhaliilay inuu hoggaanka kula wareegay wax u qabashada danyarta sida hooyooyinka qudaarta iibiya, dadka ka shaqeeya dhismaha, wadayaasha mootooyinka iyo ganacsatada kale ee muruqmaalka ah balse uu hadda ku keenaya culeys dheeraad ah.
Madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa sheegay inay inta awoodooda ah ku dadaali doonaan in baarlamaanka uunan ansixin hindise sharciyeedkan.
Raila ayaa xusay inay xildhibaannada mucaaradka kula talin doonaan inaynan taageerin qorshahan maaliyadeed.
Waxyaabaha ku xusan hindiise sharciyeedka waxaa ka mid ah in dadka mushaar ahaan u qaata 500, 000 iyo wixii ka badan in laga qaado boqolkiiba 35 oo canshuur ah.
Sidoo kale shaqaalaha iyo xarumaha ay ka shaqeeyaan ayaa bil waliba laga jaraya boqolkiiba 3 si loogu biiriyo barnaamijka guriyeynta ee dowladda.
The proposed Finance Bill by the Kenya Kwanza Regime is a punishing burden on Kenyans. The tsunami of taxes will suffocate the jobless youth and the poor.
We strongly oppose this anti-people budget and will ensure it doesn't pass. If it does, we disassociate ourselves from it. pic.twitter.com/08ekkEZ5Zk
— Raila Odinga (@RailaOdinga) May 8, 2023
Dhanka kale madaxa Azimio Raila Odinga ayaa ku hanjabay in haddii Arbacada aynan billaaban wada hadallada u dhexeya mucaaradka iyo dowladda dhexe inay dib u billaabayaan dibadbaxyadii ay hakiyeen.




