Barasaabka ismaamulka Machakos Dr. Alfred Mutua oo shir jaraaid qabtay ayaa sheegay in qof kasta oo ku geeriyoodo gudaha dowlad deegaankaas laga baari doono cudurka COVID-19.
Mutua ayaa xusay in ay tallaabooyin adag oo dhanka sharciga ah ka qaadayaan shakhsiyaadka aan ilaalin amarrada dowladda iyo talooyinka caafimaad ee lagu xakameynaya faafidda caabuqa corona.
Guddoomiyaha ayaa carrabka ku dhuftay in saraakiisha ammaanka ay si gaar ah dabagal ugu sameyn doonaan isticmaalka afduubka , nadaafadda iyo kala fogaanshaha.
Fred Ndunga oo ah guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Machakos ayaa ciidamada booliska iyo saraakiisha maamulka ku boorriyay in ay si buuxda u dhaqangeliyaan amarrada ka dhanka ah cudurka oo uu ka mid yahay bandowga habeenkii.
Home Wararka Kenya Guddoomiyaha Machakos oo sheegay in qof kasta oo geeriyoodo laga baaraya COVID-19