Duulimaadyada gudaha dalka oo ay maanta ugu dambeyso

0
480

Waxaa gabagabo ah mudadii loo qabtay shirkadaha diyaaradaha u kala goosho ismaamullada kala duwan ee wadanka.
Jimcihii ayay ahayd markii madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu shaaciyay in wixii ka dambeeya 12-ka duhurnimo ee maanta aan Nairobi lagu soo geli karin sidoo kalena looga bixi karin diyaarad ama marinka casriga ee tareenada ee SGR-ka.
Caasimadda dalka ayaa ka mid ah 5 ismaamul oo xayiraad lagu soo rogay ka dib markii ay kordheen xaaladaha cudurka COVID-19 ee sida maalinlaha ah looga diiwaangeliyo.
Dowlad deegaannada kale ee xayiraadda la saaray ayaa kala ah Machakos, Kiambu, Kajiado iyo Nakuru.