Waxay faahfaahino dheeraad ah ka soo baxayaan weerar ismiidaamin ah lala eegtay kaniisad ku taalla wadanka Indonesia.
Ciidamada booliska ee dalkaas ayaa xaqiijiyay in ilaa iyo hadda 14 qof ay dhaawacmeen.
Saraakiisha ammaanka ayaa sidoo kale sheegay in weerarka ay fuliyeen labo qof oo isku soo xiray waxyaabaha qarxa.
Booliska ayaa horay u sheegay in qaraxa uu hal qof ah gaystay.
Afhayeenka booliska Indonesia Argo Yuwono ayaa sheegay in ciidamadu ay dabagal ku sameynayaan kooxaha ay labada eedeysane xiriir la leeyihiin.
Saraakiisha amniga ayaa ku howlan xaqiijinta in wax xiriir ah uu ka dhexeyo dhacdada maanta iyo kuwo ay dhawaan fuliyeen maleeshiyaad.
Bishii koowaad ee sanadkan ayay ahayd markii saraakiisha qaabilsan la dagaalanka argagixisada ee wadankaas ay howlgal ka fuliyeen goob ay ku dhuumaleysanayeen maleeshiyo oo ku taala magaalada Makassar halkaas oo ay labo ka mid ah ku dileen.
Shakhsiyaadka la dilay ayay boolisku ku tuhmeen inay ku lug lahayeen qaraxyadii mataanaha ahaa ee sanadkii 2019-kii lagu qaaday kaniisad ku taalla dalka Filibiin halkaas oo ay ku dhinteen in ka badan 20 qof.