Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Ergey cusub oo Soomaaliya loo soo magacaabay

Ergey cusub oo Soomaaliya loo soo magacaabay

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres, ayaa ergey cusub u soo magacaabay Soomaaliya.
Catriona Laing oo u dhalatay dalka UK ayaa noqon doonta madaxa xafiiska hawlgalka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, waxa ayna xilka kala wareegeysaa ergeyga gaarka ah ee hataan Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, oo ah muwaadin Mareykan ah.
Sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay bogga wararka ee Qaramada Midoobey, António Guterres, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay shaqadii uu James Swan soo qabtay iyo hoggaamintiisa intii uu hayay talada ugu sarreysa xafiiska hawlgalka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.
Catriona Laing, kuma cusba arrimaha Soomaaliya oo waxa ay madax ka ahaan jirtay Xafiiska Horumarinta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya sannadihii 1993 ilaa 1994kii.
Aqoon ahaan, waxay shabaadaha labaad ee Jaamacadda ee Mastarka loo yaqaan ka qaadatay kulliyadda dhaqaalaha iyo siyaasadda ee London oo ay ka baratay arrimaha dhaqaalaha, iyadoo sidoo kale shahaado la mid ah taa ka qaadatay Jaamacadda Crandfield oo ay ka baratay culuunta maamulka iyo maareynta ganacsiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments