Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa walaac ka muujiyey inay gudaha dalka ku soo bateen dhacdooyinka la xiriira dokumeentiyada waxbarasho ee been abuurka ah.
Guddiga ayaa xusay in haddii aanan arrintan wax laga qaban inay hoos u dhici karto sumcadda tacliinta dalka oo hadda la aqoonsan yahay.
Bayaanka EACC waxaa ku cad in dhibaatadan ay saameyn aan wanaagsanayn ku yeelan karto dhaqaalaha.
Guddiga ayaa xusay inay jiraan ilaa shan nooc oo loo farsameeyo warqadaha waxbarasho tani oo saameysa ismaamullada iyo dowladda dhexe labaduba.
Baaritaannada uu guddiga sameeyay waxaa ku cad in dadka qaar ay beddelaan buundooyinkii ay ka soo hooyeen imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiga sare ee (KCSE) si ay jaamacado ugu biiraan.
Sidoo kale waxaa jiro ardayda qaar oo aan jaamacadaha dhameyn oo sameystay shahaadooyin Degree iyo Diploma oo faalis ah ka dibna shaqooyin ku helay.
EACC ayaa intaasi ku dartay dadka qaar ay beddeleen buundooyinkii ay uga qalin jabiyeen jaamacadaha.
Guddiga ayaa baaritaano ku haya ilaa 150 kiis oo la xiriira dokumeentiyo been abuur ah.
13 ka mid ah kiisaskan ayaa hadda maxkamadaha hor yaalla.