Militariga Myanmar oo fuliyay weeraro dhanka cirka ah

0
580

Diyaaradaha dagaalka ee ciidamada militariga wadanka Myanmar ayaa lagu soo warramayaa in ay howlgallo dhanka cirka ah fuliyeen.
Weearrada ayay ku bartilmaameedsadeen tuulo u dhow xadka uu dalkaas la wadaago Thailand oo ay gacanta ku hayso maleeshiyo beeleed.
Kooxda hubeysan ee (KNU) oo maamusho gobolka Koonfurta bari ee dalkaas ayaa sidatan shaaca ka qaaday.
Militariga Myanmar ayaan weli arrinkan faahfaahin ka bixin.