Ciidamada booliska ee dowlad deegaanka Migori ayaa gacanta ku dhigay 30 qof oo xilliga bandowga habeenkii ka dib goobo ku caweeynayay.
Bandowga habeenkii ee 42 ka mid ah ismaamullada dalka ayaa billowdo 10-ka habeenimo halka 5 ismaamul oo dhawaan xayiraad lagu soo rogay uu billowdo 8-da fiidnimo.
Taliyaha booliska ee deegaanka galbeedka Kuria Cleti Kimaiyo ayaa sheegay in shakhsiyaadkan laga soo qabtay saddex goob oo kala duwan oo ku yaalla magaalada Kehancha .
Mr. Kimaiyo ayaa sheegay in eedeysanayaasha berri maxkamadda la soo taagi doono.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ciidamada booliska ay sii wadayaan howlgallada lagu xaqiijinaya u hoggaansanka amarrada iyo talooyinka caafimaad ee ka dhanka ah cudurka COVID-19.
Ismaamulka Kiambu waxaa sidoo kale xalay lagu xiray 23 qof oo aan ilaalin xeerarka lagula dagaallamaya cudurka .
Saraakiisha ammaanka ee Kiambu ayaa xusay in ay qabteen10 baabuur iyo 11 mootooyin ah oo shaqeynayay xilli aan loo oggolayn.