DHAGEYSO:Qaar ka mid ah Kenyaanka uu ku dadaalaya in ay ka safraan ismaamullo la xayiray

0
690

Qaar ka mid ah dadweynaha ku nool dalka ayaa ku dadaalaya in ay ka safraan ismaamullada xayiraadda lagu soo rogay ee ay Nairobi ka mid tahay.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyada oo ugu dambeyn 8-da fiidnimo loo qabtay cid kasta oo qorsheynaysa in ay ka baxdo ama gasho dowlad deegaannada kala ah Nairobi, Kajiado, Nakuru, Kiambu iyo Machakos.
Shacabka ayaa sheegaya in aynan helin wakhti ku filan oo ay xayiraadda isugu diyaariyaan balse ay dantu ku khasabtay in ay ka faa’iidaystaan saacadaha haray.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa Jimcihii sheegay in dowlad deegaannadan xayiraad la saaray maadaama kiisaska laga xaqiijiyay ee COVID-19 ay kordheen.