Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Dadka doonaya in ay ka baxaan ismaamullo xayiraad la saaray oo haysto...

Dadka doonaya in ay ka baxaan ismaamullo xayiraad la saaray oo haysto ilaa caawa

Waxaa caawa 8-da fiidnimo ku eg mudada loo qabtay cid kasta oo doonaysa in ay u soo safarto ama ka baxdo 5 ka mid ah ismaamullada wadanka oo uu Jimcihii xayiraad ku soo rogay madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Dowlad deegaannadan ayaa kala ah Nairobi, Kiambu, Nakuru, Machakos iyo Kajiado.
Mudada la kordhiyay waxaa shalay shaaciyay afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna.
Mas’uulkan ayaa sheegay in ay go’aankan dowladdu qaadatay ka dib markii walaac ay muujiyeen kenyaan badan oo iyagoo aan safar ku diyaar garoowin xayiraad la dul dhigay.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in duulimaadyada gudaha wadanka iyo marinka casriga ee tareenada ee SGR-ka lagu safri doono ugu dambeyn 12-ka duhurnimo ee berri oo Isniin ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments