DHAGEYSO:Hooyada dhashay gabadhii ugu horreysay tartanka Quraanka Wajeer oo baaq u dirtay waalidiinta

0
445

Sucdi Barre Nuur waa gabadh agoon ah oo ka soo jeedo deegaanka Koonfurta Wajeer waxayna kaalinta koowaad ka gashay tartanka quraanka kariimka ee lagu qabtay ismaamulka Wajeer oo ay ka qayb galeen 38 arday.
Waxaa quraanka baray oo inay xifdiso ka caawiyay walaalkeed oo macallin ah.
Macallinka Sucdi iyo hooyadeed ayaa guusha ay gabadhooda soo hooysay ka dib dareenkooda la wadaagay warbaahinta Star iyadoo ay hooyadu haweenka ugu baaqday inaynan carruurtooda barashada quraanka uga mashquulin shaqooyinka ay qabsan karaan.