Haweeney ku eedeysan inay ninkeeda dhaawacday oo xabsi ku jirta

0
421

Waxaa saldhigga booliiska ee degmada Keringet oo ka tirsan deegaan baarlamaneedka Koonfurta Kuresoi ee ismaamulka Nakuru ku jirta haweeney 22 sano jir ah oo loo haysto dhaawac ay ninkeeda gaarsiisay.
Eedeysanaha oo magaceeda lagu soo koobay Yuna ayaa la rumeysan yahay inay falkaasi u adeegsatay mindi.
Xalay fiidkii ayaa haweeneydan gacanta lagu dhigay waxayna booliiska u sheegtay in iyada iyo ninkeeda oo lagu magacaabo Titus uu muran dhex maray xilli ay cunto u karinaysay ka dibna uu dharbaaxay.
Yuna ayaa sheegtay in markaasi ka dib ay soo qaadatay mindi oo ayna uga dhufatay dhanka bidix ee xawadka.
Dhibbanaha ayaa la geeyay isbitaalka Keringet ka hor inta aan loo sii gudbin xarunta caafimaad ee Olenguruone si uu u helo daryeel dheeraad ah maadaama ay xaaladiisu liidatay.
Tuhmanaha ayaa hadda maraysa baaritaano dheeraad ah ka hor inta aan maxkamad la soo taagin.
Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa bulshada ugu baaqay in dhammaan murannada dhanka qoyska ah iyo shaqaaqooyinka jinsiyadeed loo gudbiyo laamaha ammaanka si ay u qaadaan tallaabada habboon.