Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa faray dhammaan xubnaha golihiisa wasiirada iyo shaqaalaha fulinta ee xafiiska madaxweynaha inay qaataan tallaalka cudurka COVID-19.
Waxaa arrinkan maanta shaaca ka qaaday madaxa shaqaalaha ee madaxtooyada dalka Nzioka Waita ka dib markii uu qaatay tallaalka.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu Mr. Nzioka Waita ku sheegay in madaxweynaha dalka uu faray golihiisa wasiirada iyo shaqaalaha fulinta ee madaxtooyada in ay qaataan tallaalka ka dhanka ah cudurka si ay tusaale ku dayasho mudan ugu noqdaan shacabka.
Waxaa ilaa hadda tallaalka cudurka qaatay gaar ahaan shaqaalaha dowladda dhexe, wasiirrada wasaaradda difaaca ee Kenya Dr .Monica Juma, dhigeeda wasaaradda adeegga dadweynaha iyo arrimaha jinsiyadda Prof. Margaret Kobia iyo xoghayaha wasaaradda caafimaadka dalka u qaabilsan dhanka maamulka Dr. Mercy Mwangangi .
Wasiirrada kale iyo shaqaalaha fulinta ee xafiiska madaxweynaha ayaa la filayaa in ay iyagana tallaalka COVID-19 qaataan.
Home Wararka Kenya SAWIRRO:Madaxweynaha dalka oo faray dhammaan golihiisa wasiirada inay qaataan tallaalka COVID-19