Wasiirka arrimaha gudaha oo sheegay in la wanaajinaya xaaladaha booliiska

0
327

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ee dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay wanaajinta xaaladaha shaqo ee saraakiisha ammaanka.
Waxaa uu sheegay in waaxdan isbeddello lagu sameyn doono sida in ciidamada la siiyo tababarro dheeraad ah iyo qalab casri ah oo ay kula tacaali karaan caqabadaha dhanka ammaanka.
Kindiki ayaa arrintan ka hadlay xilli uu la kulmay safiiradda dowladda Maraykanka ku matasha Kenya Ambasadoor Meg Whitman.
Wasiirka ayaa caqabadaha dhanka amniga ee haysta Kenya ku sheegay argagixisada, dembiyada abaabulan, ka ganacsiga maandooriyaha , tahriibka iyo dembiyada lagu fuliyo intarneetka.
Ambassadoor Whitman ayaa dhankeeda sheegtay in maamulka madaxweynaha Maraykanka Joe Biden uu sii wadi doono iskaashiga kala dhexeya Kenya ee dhanka adeegsiga tiknolojiyadda si wax looga qabto falalka liddiga ku ah xasiloonida guud.
Dhanka kale taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Japhet Koome ayaa maanta sheegay in amniga guud ahaan wadanka si wayn loo sugay xilliga fasaxa Easter Holiday.