Jeremiah Kioni: Cadaadiska uu mucaaradku saaraya dowladda dhexe loogama gol-laha in shakhsi gaar ah uu xil ku helo

0
338

Xoghayaha guud ee xisbiga Jubilee Jeremiah Kioni islamarkaana xubin ka ah isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ayaa sheegay in cadaadiska uu mucaaradku saaraya dowladda dhexe aan looga gol-lahayn in shakhsi gaar ah uu xil ku helo.
Waxaa uu sheegay inay doonayaan in hoos loo dhigo qiimaha sarreeya ee maciishadda.
Kioni ayaa carrabka ku adkeeyay in isbeheysiga Azimio uunan marnaba ka tanaasuli doonin inay ka hadlaan dalabaadkooda.