Boqolkiiba 67 ee kenyaanka shaqo la’aanta ah oo ka niyad jabay inay shaqooyin raadiyaan

0
228

Warbixin ay soo saartay waaxda qaran ee qaabilsan macluumaadka ee KNBS ayaa muujinaysa in saddex meelood labo meel kenyaanka aan wax shaqo ah haysan ay ka niyad jabeen inay shaqooyin raadsadaan ama ay ganacsi billaabaan.
KNBS ayaa arrintan u aaneysay inay jiraan fursado yar marka la eego xaaladda adag ee dhaqaale oo shirkado badan ku sababtay inay joojiyaan shaqaaleysiinta.
Waxaa waaxda laga soo xigtay in 2.01 milyan oo ka mid ah 2.97 milyan oo shaqo la’aan ah oo ay da’doodu u dhexeyso 15 ilaa 64 sano oo u qalmo inay shaqeeyaan aynan hadda raadinayn fursad shaqo oo hor leh.
Boqolkiiba 67.71 ee dadka xaaladdan wajahaya ayaa u badan dhallinyaro ay da’doodu u dhexeyso 20 ilaa 24 sano .
Sanadkii 2021-kii ayay ahayd markii hay’adda shaqaalaha adduunka ee ILO iyo bangiga adduunka ay heerka shaqo la’aanta ee dalka ku sheegeen boqolkiiba 5.6.