Madaxweynaha dalka oo gaaray wadanka Rwanda

0
292

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa duhurnimadi maanta gaaray wadanka Rwanda..
Waxaa uu halkaasi ku sugnaan doonaa labo cishe iyadoo uu qorshuhu yahay inuu wada hadal laba geesood ah la yeesho dhigiisa Rwanda Paul Kagame.
Labada madaxweyne ay ka wada hadli doonaan arrimaha ka dhexeya Kenya iyo Rwanda oo ay ka mid yihiin caafimaadka, waxbarashada, hal-abuurka iyo tiknolojiyadda.
Qodobbada ay isla eegi doonaan Ruto iyo Kagame waxaa ka mid ah badqabka cunno iyo mashruucyada marinka waqooyi ee Northern Corridor.