Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Koonfurta Mugirango ee ismaamulka Kisii Sylvanus Osoro ayaa ka hadlay tallaabadii uu shalay agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka Nuurdiin Xaaji meesha uga saaray dacwado ka dhan ahaa qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka oo maxkamadda loo gudbiyay.
Osoro ayaa hoosta ka xarriiqay in go’aankaasi uunan wax xiriir ah la lahayn isfahanka horudhaca ah ee ay gaareen madaxweynaha iyo hoggaamiyaha mucaaradka.
Waxaa uu xusay in Nuurdiin uu si madax bannaan u gudanayay waajibaadkiisa dastuuriga ah oo uunan ku saleyn go’aanka siyaasadeed ee dhawaan soo baxay.
Siyaasiyiinta isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ayaa ku eedeysnaa ka qayb galka dibadbaxyada.
Siyaasiyiinta ayaa loo haystay inay sameeyeen dibadbax sharci darro ah oo sababay burbur hantiyadeed.
Waaxda dacwad oogidda oo uu matalaya qareenkeeda ayaa maxkamadda ku wargelisay inay meesha ka saareysa kiisaska ka dhanka ah siyaasiyiinta si fursad loo siiyo wada hadallada dowladda iyo mucaaradka.
Siyaasiyiintan ayaa kala ah xildhibaanka deegaanka Ugunja Opiyo Wandayi, senatarka ismaamulka Kilifi Stewart Madzayo, Xildhibaanka Koonfurta Kilifi Richard Chonga iyo mudanaha deegaanka Malindi Amina Mnyazi.
Garsooraha sare ee maxkamadda Kahawa Law Court Boaz Ombewa ayaa fasaxay siyaasiyiintan.
Waxaa sidoo kale la fasaxay George Yogo Obure iyo Esther Oromi oo iyaga lala soo eedeyay madaxda siyaasadeed.
Qareenkooda oo lagu magacaabo Danstan Omari ayaa dowladda iyo waaxda garsoorka uga mahadceliyay inay meesha ka saareen kiisaskii loo haystay shakhsiyaadkan.