Waxaa uu qorshuhu yahay in 10-ka bishan Afaraad ay dowladda Kenya soo bandhigto dayax-gacmeedkii ugu horreeyay.
Wasaaradda gaashaandhigga iyo laanta hawada ee dalka ayaa tani ku tilmaamay horumar wayn.
Dayax-gacmeedkan oo loo yaqaano Taifa-1, ama Nation-1 ayaa waxaa sameeyay farsama yaqaano u dhashay wadanka waxaana loo adeegsan doonaa in la helo macluumaad ku saabsan beeraha, cunno yarida iyo arrimo kale.
Sida laga soo xigtay shirkadda Space in Africa, ee dabagalka ku sameyso barnaamijyada hawada ee qaaradda ee uu fadhigeedu yahay Nigeria , sanadkii 2022-kii iyo intii ka sii horreysay ugu yaraan 13 ka mid ah waddamada Afrika ayaa soo saaray 48 dayax-gacmeed.