Guddoomiyaha Kericho oo ku xigeen soo xushay

0
506

Barasaabka ismaamulka Kericho Paul Chepkwony ayaa Lily Chepngetich Ngok u soo xushay in ay ku xigeen u noqoto.
Tani ayaa timid ka dib markii maalmo ka hor ay geeriyootay Susan Kikwai oo xilkaas haysay.
Mrs. Kikwai ayaa u dhimatay cudurka COVID-19 xilli lagu daaweynayay isbitaalka Siloam ee dowlad deegaankaas.
Warqad uu u qoray golaha hoose ee ismaamulkaas ayuu barasaabka Kericho ku sheegay in Lily ay dhalasho ahaan ka soo jeedo deegaanka bariga Kipkelion sidaas awgeedna magacaabideeda ay tahay mid ku saleysan xaqiijinta in si siman loo qaybsado xilalka hoggaanka marka la eego deegaannada .
Lily Ngok ayaa hadda ah wasiirka waxbarashada, cayaaraha, dhaqanka iyo adeegga bulshada.