Madaxweynaha dalka William Ruto oo galabta jeediyey khudbad isagoo ku sugan xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi ayaa madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ugu baaqay inuu joojiyo dibadbaxyada uu hor kacaya ee ka socdo wadanka.
Madaxweyne Ruto ayaa xusay inuu weligiiba diyaar u ahaa inuu wada hadal la yeesho madaxda la soo doortay iyadoo laga arrinsanaya arrimaha horumarka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in xilligan oo kale aynan ahayn in laga hadlo yaa saxan yaase khaldan balse ay tahay in si geesinnimo leh loo hadlo iyadoo intii la wada fadhiista la is dhageysanaya.
PRESIDENT RUTO ASKS OPPOSITION LEADER TO CALL OFF FURTHER DEMONSTRATIONS
President @WilliamsRuto has proposed a bi-partisan consultation in Parliament on the re-constitution of the Independent Electoral and Boundaries Commission (IEBC) panel. – https://t.co/mIb1SMKrC6 pic.twitter.com/171TWJ7E5k
— State House Kenya (@StateHouseKenya) April 2, 2023