Wasiirka isgaarsiinta oo baaq u diray shacabka Nyanza

0
309

Wasiirka wasaaradda isgaarsiinta iyo dhaqaalaha dhijitaalka ah ee dalka Eliud Owalo ayaa shacabka ku nool ismaamullada gobolka Nyanza ku boorriyay inay abuuraan jawi wanaagsan oo ay dowladdu ku gaarsiin karto barnaamijyada lagu horumarinaya dhaqaalaha.
Owalo ayaa hoosta ka xarriiqay inaynan suurtageli karin in mashaariic horumarineed laga fuliyo meelo dadweynaha deggan ay si joogta ah uga qayb qaadanayaan mudaaharaadyada.
Wasiirka ayaa xilli uu ku sugnaa deegaanka Koonfurta Rachuonyo sheegay in dibadbaxyada ay halis ku yihiin maalgashiga wadanka.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in wada hadalka keliya ee uu daneynaya madaxweyne William Ruto uu yahay mid ku saabsan arrimaha horumarka.