Taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Japhet Koome ayaa madaxii hore ee booliiska qaabilsan la dagaalanka argagixisada ee ATPU ,Gideon Nyale Munga u magacaabay xilka agaasimaha howlaha xarunta dhexe ee booliiska ee magaalada Nairobi.
Nyale ayaa inta aan xilkan cusub loo igman waxaa uu ahaa agaasimaha isbeddellada ee booliiska dalka.
Waxaa beddelay Boniface Maingi .
Sidoo kale Koome ayaa ismaamullo kale oo ay ka howlgalayaan u wareejiyay 5 ka mid ah taliyaashii booliiska ee deegaannada.
Waxay saraakiishan kala yihiin taliyaasha saldhigyada booliiska ee Kilimani, Embakasi, Njiru, bartamaha Nairobi iyo Dagoretti.