Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa madaxweynaha dalka William Ruto ugu baaqay inuu xafiiska banneeyo ka hor berri oo ay qorsheynayaan inay dibadbax dhigaan.
Waxaa uu mar kale hoosta ka xarriiqay inuu isaga ku guulaystay natiijadii xilka madaxtinnimo ee doorashadii guud ee bishii Siddedaad, sanadkii hore.
Mr. Odinga oo qoraal soo dhigay baraha bulshada ayaa mudaaharaadka Isniinta ku tilmaamay mid aad u wayn.
We'd like to reiterate that the collated results on this link, https://t.co/OOEO2B8LQG, leave no room for doubt that Azimio emerged victorious in the last election.
In light of this, we strongly urge Mr. Ruto to vacate his office immediately, ahead of the upcoming #MegaMonday.
— Raila Odinga (@RailaOdinga) April 1, 2023
Dhanka kale xoghaynta madaxa xisbiga ODM ayaa bayaan ay soo saartay ku beenisay war la faafiyay oo tilmaamayay in dibadbaxyada Isniinta ee mucaaradka dib u eegis lagu sameeyay ka dib markii Raila Odinga uu la kulmay madaxda diimeed iyo saaxiibbada caalamiga ee Kenya.
Qoraalka waxaa lagu sheegay in warkaasi uu been abuur yahay oo uunan wax isbeddel ah ku imaan qorshaha mudaaharaadyada garabka mucaaradka ee dalka.