Waxaa albaabada la isugu dhuftay Jaamacadda Pwani ee ismaamulka Kilifi.
Ku xigeenka madaxa Jaamacadda Pwani, Prof. Maxamad Rajab ayaa sheegay in muddadan gudaheeda ardayda iyo shaqaalaha jaamacadda ay heli doonaan talasiin maskaxeed.
Waxaa uu intaasi ku daray in dib u eegis lagu sameeyay jadwalka waxbarasho ee jaamacadda.
Tani ayaa timid ka dib xiisad ka dhalatay shilkii dhawaan ka dhacay ismaamulka Nakuru ee ay ku dhinteen 17 qof oo u badan ardayda jaamacadda.
Shilka oo laga soo tabiyay inta u dhexeysa magaalooyinka Naivasha iyo Nakuru ayaa u dhexeyay bas ay leedahay Jaamacadda Pwani iyo saddex baabuur oo kale.
Booliiska ayaa laga soo xigtay in ardayda jaamacadda ay xilligaasi ku wajahnaayeen magaalada Eldoret ee ismaamulka Uasin Gishu si ay uga qayb qaataan tartan cayaareed ka hor inta baabuurkii siday uunan gawaari kale ku dhicin.