14 qof oo loo xiray dhac laga gaystay Kisumu iyo Migori

0
271

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay 14 eedeysanayaal ah oo lala xiriirinaya falal xatooyo oo intii ay socdeen dibadbaxyada isbeheysiga Azimio laga gaystay ismaamullada Kisumu iyo Migori.
2 ka mid ah tuhmanayaashan ayaa khamiistii bililiqaystay xarunta laga adeegto ee Jamii Supermarket ee magaalada Kisumu.
Waxay halkaasi kala baxsadeen badeeco qiimaheedu lagu sheegay in ka badan 5 milyan oo shilin.
12 ka mid ah eedeysanayaasha waxaa laga soo qabtay deegaanka Bariga Suna ee ismaamulka Migori oo la sheegay inay sameystee isbaarooyin iyagoo dadweynaha lacago ka qaatay.
DCI ayaa laga soo xigtay in eedeysanayaasha ay hadda ku jiraan saldhigga booliiska ee ismaamulka Migori.