Waxaa xalay fiidkii geeriyooday Prof. Muga K’Olale oo horay u soo noqday guddoomiyaha ururka ay ku mideysan yihiin barayaasha jaamacadaha wadanka ee (UASU).
Waxaa uu geeriyooday xilli lagu daaweynayay xarunta caafimaad ee Matata Nursing Home ee magaalada Oyugis oo ka tirsan ismaamulka Homa Bay.
Waxaa geerida Prof. Muga oo muddo xanuunsanaa xaqiijiyey agaasimaha isbitaalka Matata, John Malago.
Mr. Malago ayaa warbaahinta u sheegay in guddoomiyihii hore ee UASU isbitaalka la geeyay 21-kii bishii hore tan iyo xilligaasina uu helayay daryeel caafimaad.
Prof. Muga K’Olale ayaa UASU hoggaaminayay muddo dheer waxaa uuna is casilay bishii toddobaad ee sanadkii 2021-kii iyadoo xilkii uu hayay ay la wareegtay Grace Nyongesa.