Tirada dadka lagu dilay dibadbaxyada Myanmar oo kor u dhaaftay 300

0
443

Koox u ololeysa xuquuqda maxaabiista siyaasadeed ee dalka Myanmar ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka ay tan iyo markii ay billowdeen dibadbaxyada dileen ilaa 320 oo qof.
Shacabka ayaa weli muujinaya sida ay kaga soo horjeedaan afgembigii militari ee wadankaas ka dhacay 1-dii bishii hore.
Wararka ayaa intaa ku daraya in ku dhawaad boqolkiiba 90 ee dadka la dilay la toogtay.
Sida laga soo xigtay ururka (AAPP), afar meelood hal meel oo dadkan ka mid ah waxaa kaga toogtay madaxa.
Afhayeen u hadlay ciidamada militariga Myanmar ayaa dhankiisa tirada dadka mudaharaadyada ku dhintay ku sheegay 164 qof oo shacab iyo 9 ka mid ahaa saraakiisha ammaanlka.
Waxaa sidoo kale toddobaadyadii ay dibadbaxyada socdeen la xiray ugu yaraan 3,000 oo ruux.
Marka la eego dhanka jinsiyadda , dadka dibadbaxyada lagu dilay ku dhawaad boqolkiiba 90 ayaa rag ah.
Boqolkiiba 36 waxaa da’doodu lagu sheegay 24 sano iyo wax ka yar.