Raila oo ku baaqay in Isniinta la isku diyaariyo dibadbaxyadii ugu waynaa

0
401

Madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa shaaciyay in maalinta Isniinta ee toddobaadka soo socdo ay qaban doonaan dibadbaxii ugu waynaa ee ka dhaca gudaha wadanka.
Tani ayaa timid ka dib markii ay shalay ciidamada booliiska ka hor istaageen inuu tago fagaaraha Jacaranda grounds ee deegaanka Embakasi.
Odinga ayaa carrabka ku adkeeyay in waddada keliya ee u furan ay tahay inuu abaabulo mudaaharaadyo dheeraad ah haddii maamulka Kenya Kwanza uunan wax ka qaban tabashooyinkooda.
Waxyaabaha ay dalbanayaan siyaasiyiinta mucaaradka ee dalka waxaa ka mid ah in hoos loo dhigo qiimaha sarreeya ee maciishadda , in la furo keydka codbixinta ee guddiga IEBC sidoo kalena in la joojiyo shaqaaleysiinta saraakiisha cusub ee guddiga doorashooyinka .
Odinga ayaa xusay inay aaminsan yihiin inay jiraan sababo wax ku ool ah oo ay u cuskan karaan baahida loo qabo wada hadal lala yeesho dowladda dhexe balse inta ay tani ka suurtagalaysa inay sii soconayaan dibadbaxyada lagu cadaadinaya maamulka talada haya.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka oo warbaahinta kula hadlay hooygiisa xaafadda Karen ee magaalada Nairobi ayaa sheegay in tallaabo waliba oo ay qaadaan saraakiisha ammaanka aynan marnaba ku dhalin doonin inay ka tanaasulaan mowqifkooda siyaasadeed.