Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Mr. Ezekiel Machogu ayaa sheegay in wasaaradda ay faahfaahin dheeraad ah ka bixin doonto shil shalay ka dhacay inta u dhexeysa magaalooyinka Naivasha iyo Nakuru.
Shilkaasi oo u dhexeyay bas ay leedahay shirkadda Pwani University iyo mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano mataatuuda ayaa waxaa ilaa iyo hadda ku dhintay 17 qof oo arday u badan.
Wasiir Machogu oo bayaan soo saaray ayaa tacsi u diray qoysaska ay ka baxeen ardayda iyo shaqaalaha jaamacadda ee shilka ku dhintay.
Waxaa uu wasiirku sheegay in ardayda ay ku wajahnaayeen magaalada Eldoret ee ismaamulka Uasin Gishu si ay uga soo qayb galaan tartan cayaareed.
Sidoo kale waxaa uu wasiirku caafimaad degdeg ah u rajeeyay ardayda shilka ku dhaawacmay oo qaar ka mid ah loo soo qaaday isbitaalka qaran ee Kenyatta halka kuwo kale lagu daaweynaya isbitaalka heerka 4-aad ee Naivasha.
Wasiirka waxaa uu dadweynaha uga mahadceliyay inay si wayn u soo baxeen oo ay dhiig ugu deeqeen dhiibanayaasha.
https://t.co/JiCcRJXZ4a @machoguezekiel @Bettymuganda17 @Muoria_Dr @KICDKenya @TSC_KE @ExamsCouncil
— EduMinKenya (@EduMinKenya) March 30, 2023
Mid ka mid ah ardayda shilka ku dhaawacmay ayaa ka warramay sida ay wax u dhaceen.
Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo Naivasha Kisilu Mutua ayaa sheegay inuu sii kordhi karo khasaaraha nafeed ee ka dhashay shilka maadaama ay weli socdaan howlaha samatabixinta.
Dhanka kale ardayda jaamacadda Pwani ee ismaamulka Kilifi ayaa dhigay dibadbax ay ku muujinayeen sida ay uga xun yihiin dhibaatada soo gaartay qaar ka mid ah ardayda xaruntaasi.
Waxay maamulka jaamacadda ku eedeyeen inuunan dayactirin baska maadaama aynan tayadiisu wanaagsanayn.