Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidanka boliiska ee Saldhigga degmada Warta Nabadda ay saaka gacanta ku soo dhigeen nin lagu eedeeyay in uu dil u gaystay imaamka masaajid oo ku yaalla deegaanka Garasbaaleey, sida ay sheegtay warbaahinta Qaranka.
Ninkan oo la sheegay inuu ahaa tabliiq in muddo ahna ku sugnaa masaajidka ay dhacdadaan ka dhacday ayaa sidoo kale dhaawacay mu’adinkii masaajidkaasi.
Dhacdadaan oo shalay ka dhacday deegaanka Garasbaaleey ayaa wararku waxay sheegayaan in ninkan oo ku hubaysnaa baangad uu galay masaajidka ka hor inta uusan dilka gaysanin.