Madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azmio La Umoja –One Kenya Raila Odinga ayaa madaxweynaha dalka William Ruto ugu baaqay inuunan arrimaha Kenya kala hadlin beesha caalamka oo uu isaga si toos ah u wajaho.
Odinga ayaa carrabka ku adkeeyay in danaha qaranka ay yihiin kuwo lagu xallin karo gudaha wadanka.
William Ruto oo safar ku soo maray Jarmalka haatanna ku sugan Belgium ayaa sheegay in dowladdu aynan marnaba oggolaan doonin in la burburiyo hantida dadweynaha .
Waxaa uu sheegay in laamaha ammaanka ay si buuxda u gudanayaan waajibaadkooda dastuuriga ee ah badbaadinta nolosha shacabka iyo hantidooda labaduba.