Kindiki oo mamnuucay dibadbaxyada rabshadeysan

0
364

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in guud ahaan wadanka aan lagu qaban karin dibadbaxyo rabshadeysan.
Waxaa uu digniin adag u diray cid kasta oo dibadbaxyada noocani ah ka qayb qaadato.
Kindiki ayaa hoosta ka xarriiqay in saraakiisha ammaanka ay sameyn doonaan wax waliba oo ay ku qaadato si ay uga hor tagaan mudaaharaadyada rabshadeysan.
Wasiirka ayaa xusay in aanan marnaba la oggolaan karin waxyeelleynta dadweynaha iyo burburinta hantidooda.
Sidoo kale waxaa uu wacad ku maray in gacanta lagu soo dhigi doono si dacwad loogu soo oogo shakhsiyaad Isniintii dhibaatooyin ka gaystay deegaanka Kibera iyo kuwo kale oo weeraray beerta qoyska madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta oo ku taalla deegaanka Ruiru ee ismaamulka Kiambu.