Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Sweden oo sheegtay inay u yeeraysa safiirka Ruushka

Sweden oo sheegtay inay u yeeraysa safiirka Ruushka

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Sweden ayaa sheegtay in loo yeeri doono safiirka dowladda Ruushka u fadhiya magaalada Stockholm.
Sweden ayaa doonaysa inay danjiraha la wadaagto cabashadeeda ku aaddan faragelin la sheegay in xukuumadda Moscow ay ku hayso geeddisocodka ay Sweden ugu biiraysa gaashaanbuurta NATO.
Tani ayaa timid ka dib markii safiirka uu qoraal ku sheegay in tallaabada ay Sweden ugu biiraysa NATO inay bartilmaameedsi aan lagu khaldanayn uga dhigaysa tallaabooyinka aargoosiga ee Ruushka oo ay ka mid tahay qaab militari.
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Sweden ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in danjiraha arrintan wax laga waydiin doono.
Waxaa sidoo kale arrintan xaqiijiyey wasiirka arrimaha dibadda ee Sweden Tobias Billstrom.
Sanadkii hore ayay ahayd markii ay waddamada Sweden iyo Finland codsadeen inay ka mid noqdaan xubanaha NATO ka dib markii Ruushka uu duullaan militari oo weli socdo uu sanadkii hore ku qaaday dalka Ukraine.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments